Munaafaq Soomoow oo markale lagu
Dhex Arkey Hadalheynta
Ahlusna Waljamaaca kadib
Markii uu waayay Xil uu
ka Doonayay Kooxda Sheydaan
Shariif ee Magaalada Muqdisho.
26.02.2010, 04:48am (GMT)
Munaafaq Soomoow oo markale lagu
Dhex Arkey Hadalheynta
Ahlusna Waljamaaca kadib
Markii uu waayay Xil uu
ka Doonayay Kooxda Sheydaan
Shariif ee Magaalada Muqdisho.
25 02 2010
Soomoow oo sheegan jiray in uu
ka mid ahaa culumaa’udiinka
Ahlusna waljamaaca laakiin aan
raad ku lahayn ayaa markale waxaa
laga hayaa isagoo amaanaya maamulka
Ahlusna waljamaaca kuna tilmaamaya
in ay yihiin dadka kaliya ee u
taagan hanaanka diimeed ee saxda
ah taasoo ay ku kalaiftay kadib
markii uu Soomoow uu ku hungoobay
hamigiisii ahaa in uu sheydaan
Shariif ka helo Xil .
Soomoow oo ay ka muuqato Sumad
munaafaqnimada taasoo ah hadba dhan
ku bayrid ayaa maalmo ka hor waxaa
uu lahaa Ahlusna waljamaaca waa dad
qabiil ah islamarkasna aan matali
karin magaca Ahlusna, beentaas iyo
kadibnimadaasna waxaa uu markaas
ku doonayay xoolo aduunyo laakiin
waxaa alle subxaanahu watacaalaa uu
ku gadiyay waxuu duunayay oo uu
waayay midaasna waxaa ay dhalisay
in uu mar kale idaacadaha ka hadlo
isagoo isticmaalaya erayga ah
“Ahlusna Waljamaaca waa Urur
ka fog Qabyaalad iyo Qiyaano”.
Hadladaan isburinaya ee Soomoow
ma ahan kuwo lalayaabo
maxaa yeelay waxaa uu awalba ka
mid ahaa kooxaha wahaabiyada
waxaana uu awal ku soo dhexgalay
Culumada Ahlusna Waljamaaca si
Khiyaano ah ka dibna asaga ayaa
banaanka iska dhigay oo
cadaytsay wahaabinimadiisa.
Si kastaba ha ahaatee waxaa lasugayaa
Soomoow oo mar ku hadaaqaya in la
arko ereyadiisa ah in Ahlusna
ay wanaagsan yihiin laakiin waxaan
marnaba lasugayn in Ahlusna Waljamaaca
ay aaminto Soomoow mar kale
islamarkaasna ay gacanta u
taagato wahaabigaas KHiyaanoolaha ah.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
Mugdisho Somalia,
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
|