MAXAY
ISU YIHIIN AMA KA DHEXEEYA WAHAABIYIINTA KA QEYLIYA EE DHIBSADA XUSKA
IYO IXTIFAALKA DHALASHADA NABIDA –scw, IYO YAHUUDDA WADAMADA
SCANDINEVIAN-ka OO IYAGUNA XILLIGAN OO KALE SAWIRRO XUN-XUN KU CAAYA
NABIGA-scw?!!.
Sh. Cabdulqadir Colow oo
faah faahin dheer ka
bixinya Adilada Mowlidka
Sida
lawada ogyahay Caalamka islaamka Sanad walba Bishan Rabiicul Awal waxaa
laga xusaa Munaasabad weyn oo Diini ah Taas oo ah Dhalashadii Nabigeena
Muxammad-scw, waxayna isla qirsan yihiin Taariikh-yahanada oo dhan kuwa
Muslimiinta iyo kuwa Diimaha kale intaba inay Dhalashada Nabi
Muxammad-scw tahay (حدث عظيم)
Dhacdo weyn , Bal Culamada islaamku waxayba sheegeen in marka laga
reebo soo dajinta Quraanka oo isagu ah Kalaamkii Allah in aanay jirin
dhacdo kale oo ka weyn oo Dhalashada Nabi Muxamamad-scw oo Koonka ama
Caalamka ka dhacday , Sida uu Caddeeyey Caalimka weyn ee Maal-qabeenka
ah ee Reer Xijaaz (Sheekh Muxammad Cabdoh Yamaani) waxa kale oo sidan
oo kale sheegay Caalimiin waaweyn oo kamid ah Culamada Ahlu-sunnah ee
Sudan.
Bal
waxaaba la dhihi karaa waa dhacdadii ugu weyneed haddii Liiska
dhacdooyinka laga saaro soo dajinta Quranka oo laga dhigo Sifo Allah oo
Azali ah , sida Buxuuthta ama Baritaanada Cilmul Caqaaidka Qaarkood ku
sugnaatay.
Taas
haddii aan ka gudubno waxaad is barbar dhigtaa Sifooyinka uu ka muuqdo
Naceybka, Cadaawadda, Karaahiyada, Xaqiraada, Caayda, inkiraada,
Xishood-darrida, iwm, oo Bishan oo kale ay la qeyla-dhaamiyaan Bidcada
Wahaabiyiinta, iyo dhanka kale Gaalada yahuuda
gaar ahaan kuwa ku sugan Wadamada Scandinevian–ka , oo iyaguna Xilligan
oo kale Nabiga-scw ku Caaya Sawirro xun-xun oo ay u ekeysiiyeen
Xayawaanada Doofaarka, Eyga, Daayeerka, iwm, ama wax kasii fool xun oo
aan la aqoon oo ah Sawirada “Cartoon Pictures” ee Jinni-jinni-ga.
Waxyaabaha
ay Wahaabiyadu Caanka ku yihiin oo lagu yaqaan isla markaana ay
Sharafka iyo Qadarka Nabiga-scw wax ugu dhimaan ku xaqiraan kuna
xasdaan waxaa kamid ah:
1-
Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay
banaaneyn in Nabiga-scw la Ammaano waxayna ku andacoodaan in laga
bad-badiyey, iyagoo Ammaanta Nabiga-scw, Meeshii ay ka maqlaan ka carara, sidii Xoolo Bahal galayna dida oo isbuurta.
Sida
la ogyahay waxaa Nabiga-scw Ammaanay Allah-sw oo isagu abuurtay, waxaa
Ammaanay Malaaigta, waxaa Ammaanay Dhamaan Mu’miniinta Ummatul
Muxammad-ka oo ay ugu horeeyeen Asaxaabtii Rasuulku, waxaa Ammaanay
dhamaan Ahlul Imaankii Umadihii ka horeeyey Ummatul Muxammad-ka,
wuxuuna Allah-sw ugu balan qaaday kuwa Ammanaya Ajar fara badan oo aan
Cadad iyo Xisaab laheyn, Xitaa waxaa Nabiga-scw Ammaanay Xayawaanada
aan Caqliga laheyn ee ku sugan Bad iyo Barri intaba, waxaa kaloo
Ammaanay Waxyaabaha loo yaqaano Jamaadaadka ee aan Nafta laheyn sida
Buuraha dhagaxaanta iyo Geedaha, intaas oo
dhana waxay ku sugnaadeen Addillo cad-cad oo ku sugan Diinta islaamka ,
Khalkhiga Ilaahey oo dhan wax ka haray ama nacay Ammaanta Nabiga-scw oo
aan Wahaabiyo aheyn majiraan, taasina waxaa Hubaal ah anay tahay Nasiib
darro iyo Shaqaawo Sheydaan u qurxiyey.
2-
Waxay xitaa ka caroodaan in Nabiga-scw loogu yeero Eray Sharafeedka
“Sayid” sida in la yiraahdo, (Sayidinaa Muxammad), Sayid: waa Eray
Sharafeed lamid ah Mudane , Allahna ugu yeeray Nabiyadiisa sida Nabi
Yaxye-cs.
3-Waxay
dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn
in Nabiga-scw loogu salliyo dhamaan Siiqooyika ama Keyfiyaatka kale ee
aan aheyn Siiqada ama Keyfiyada ibraahiimiyada taas oo ah Ciriiri galin
iyo soo koobid Salliga Nabiga-scw.
4-Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn in Nabiga-scw lagu Tawasulo, taas oo ah in Allah-sw,
wax lagu wediisto Jaaha iyo Qadarka Weyn ee uu Nabigu-scw Rabbigiisa
agtiisa ku leeyahay, Mas’aladana waa Mas’alo ay Addiladeedu Qoraxda ka
cad-cad yihiin isla markaana Ijmaac ah oo ay ku kulmeen dhamaan
Culamada islaamka oo idil, ayna ka allifeen
Kitaabo u gaar ah oo Caddeynaya Sharci ahaanta Mas’aladaas, marka laga
reebo Whaabiyada iyo Sheekhyadooda, oo iyagu si cad uga xasday una
quuri waayey inay Nabiga-scw siiyaan Darajadan iyo Maqaamkan weyn.
5-Waxay si cad u inkireen Shafaacada Rasuulka-scw ee Maalinta Weyn ee Qiyaamaha, waxana sugnaaday inuu Nabiga-scw u
Shafeecayo dhamaan Umadihii horeeyey iyo kuwii danbeeyey intaba,
waxayna Wahaabiyadu galiyeen Muran farabadan, oo aan nuxur laheyn kaas
oo lagusoo koobi karo gabi-dhacyeyn mar ay ku andacoonayaan inaanu
Nabigu-scw Qofna u Shafeeci karin illaa Dad yar oo gaar ah oo loo
ogolaado maahane , marna ay ku andacoonayaan
inaanayba sugnaan Axaadiista kusoo aroortay Shafaacada Nabiga-scw,
arintaas oo ah runtii Qatar weyn iyo Qar iska tuurnimo ay ku dhiiradeen.
6-Waxay
dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn
in loo safro Ziyaarada Nabiga-scw, iyagoo isku daya intii karaankood ah
inay ka reebaan Malaayiinta Muslimiinta ah ee isugu yimaada Sanad walba
Xajka inay u baqoolaan oo ay Safar ugu baxaan Magaalada Madiina ee ku
yaalo Qabriga Nabiga-scw, lakin taasi uma suuroobin oo wey ku fashalmeen si xun ayena ugu guul dareysteen, waana Allah-sw Mahaddii.
Xitaa
waxyaabaha yaabka iyo Qariibka ah!! ee Naceybkooda Muujinaya waxaa
kamid ah: in “Ibnu Taymiyah” oo ah Sheekha ugu weyn ee Wahaabiyadu
Diinta ka qaataan Kitaabkiisa Fataawiga ku yri: (Safarka loogu safro
Siyaarada Nabiga waa Safaru Macsiya Salaadana looma gaabin karo) Taas
oo macnaheedu yahay inuu isla meel dhigay Safarka Qofka u socda
waxyaabo Danbi ah sida: Dil, Dhac, Sino, iwm, iyo Safarka Ziyaasarada
Rasuulka-scw, lakin waxaa taas ka hadlay Culamadii islaamka ee
Xilligiisii joogay kuna tilmaamay in Hadlkaasi Kufri iyo Gaal-nimo cad
yahay, iyagoo Mahadho iyo Wax aan la arkin lana maqal ka raacsiiyeen
ilaa ay Qiyaamadiisii ku qunto kuna Halaagsamo Xabsigii weynaa ee
Qalcaddi Dimishiq Taariikhdu markey ahey 728-Hijriya.
Waxa
kale oo iyaduna Yaab iyo Cajiib leh!!: in aanu Naceybkoodu intan kaliya
ku akeyn balse ay sameynayaan waxyaabo kale oo kasii yaab badan,
Tusaale ahaan waxay isku day ugu jiraan inay Kutubta Waaweyn ee
Maraajicda islaamka ee ka hadleysa Ziyaarada Rasuulka-scw inay
Taxriifiyaan/Dooruyaan ama ay badalaan , Kutubta ay kharibeen kuna
ciyaareen halkan laguma soo koobi karo, lakin waxan Miisaal usooo
qaadan karnaa: Kitaabka Mash-huurka ah ee loo yaqaano “Adkaaru Nawawi”
ee uu leeyahay Xaafidka weyn ee (Imaamu Nawawi), Waxaana Qiyaanadaas ku
sameeyey Ninka la yiraahdo “C/qadir Arna’uud” oo ah Tifaftire Kutubta
Wahaabiyiinta isla markaana ka Ganacsada Kutubta, Ninkaasi wuxuu
badalay Ciwaankii Imaamu Nawawi oo ahaa: (باب زيارة قبر النبي صلي الله عليه وسلم) isagoo ku badlay (باب زيارة مسحد الرسول صلي الله عليه وسلم)isla markaana wuxuu gabi ahaanba kagooyey (قصة العتبي), oo ahayd Qiso ku saabsan Sheekh Taabici ah iyo Nin Acraabi/Reer-baadiye ah oo Nabiga-scw soo ziyaartay kuna tawasulay.
Lakin
sidii Caadada u heyd Culamada islaamka Zaman kasta oo ay joogaan
Qiyaanada ceynkaas ah waxaa ka dhiidhiyey diidmana ka muujiyey
Caalimiinta Ahlu-sunnah ee Casrigan jooga kuwaas oo laga xusi karo:
Caalimka Reer Imaaraad Sheekh Maxamuud Saciid Mamduux ,
Caalimka Reer Masar Sheekh Maxamuud Al-sayid Subeyx , Caalimka Reer
Kuweyt Sheekh Yuusuf Bin Haashim Al-rufaaci , Caalimka Reer Jordan
Sheekh Xasan Bin Cali As-saqaaf , iyo kuwo kale oo dhamaantood Kashifay
Daahana ka qaaday Makriga, Hagarka, iyo Naceybka ay Wahaabiyiintu kula
dhaqmayaan Rasuulkeena Muxammad-scw, iyo Qadarkiisa weynanka badan.
7- Albaani oo dhintay kana mid ahaan jiray Wadaadada Wahaabiyada buugiisa uu ku magacaabay (تحذير الساجد من إتخاذ القبور مسا جد)
wuxuu ku yiri: “Kuwa ku sugan Qabriga Nabiga waxa ay sameynayaani waa
Shirki waxayna Caabudayaan Nabiga sidaa awgeed waa in la bur-buriyaa
Qabrigiisa Lafihiisa Meesha laga saaraa”.
Subxaanallaaaaah !!!.
Walalayaal
bal eega Dhiiranaanta, Af-adeyga, Xishood-darrida, Aadaab xumida, iyo
waxa Dadka Diin looga dhigayo, waa wax Cajiib ah!!!.
Hadalkan
waxaa ku sugan Laba arimood oo kala daran , Tan 1aad: wuxuu Sanam la
caabudo ku tilmaamay Nabi Muaxammad-swc, taas oo ah Xaqiraad iyo Caay
Meeshii ugu danbeysay , Tan 2aad: wuxuu Mushrikiin Gaalo ah ku
tilmaamay Muslimiintii ziyaaranayey/booqanayey Nabiga-scw ee joogay
Qabrigiisa.
8-
Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay
banaaneyn in Xus iyo Ixtifaal loo sameeyo Dhalashada Nabiga-scw, tan oo
ah mida ugu daran, oo bal sikaba daa inay iyagu sameeyaane ay dhimasho
ka xigaan in xitaa dadka kale Sameeyaan, Tanoo kalena waa tii lagu
tilmaami jiray Shaxiix-nimo oo ah Bakhiil-nimo xadka ka baxday,
sababtoo ah Qofka wixiisa ku Bakhiila waxaa layiraa Bakhiil, lakin
Qofka wax dad kale leeyihiin ee aanu isagu laheyn ku bakhiila waxaa
layiraa Shaxiix, waa Bakhiil-nimo badane, waxaana lamid ah: Wahaabiyada
oo Cidna aanay iyaga ka dooneyn ugana baahneyn inay ka qeyb galaan
Ixtifaalka lagu weyneynayo dhalashada Nabiga-scw, lakin hadana intaas
ku joogi la’ ee doonaya inay Umadda islaamka Cudurkooda Bakhiil-nimada
ah ku talaalaan.
Walaalayaal
ilaahbaan idinku dhaarshaye maxay tahay Caaqibada ku dhiman oo laga
shinsanayo/rajeynayo ama Iimaanka iyo Islaam-nimada laga sugayo Dadka
Fikradooda iyo dhaqankoodu Cenkan yahay?!.
9- Waxay si Bareer ah u inkiraan Qaar kamid Mucjisooyinka Rasuulka-scw,
eeg
Buuga (Xiwaar Macal Maaliki” ee uu qoray “ibnu Maniic” oo Wahaabiyada
kamid ah sida uu ugu tuntay in badan oo kamid ah Mucjisaadka
Rasuulka-scw, waxa uu inkiray waxaa kamid ah: inuu Nabigu Nuur ama
Iftiin lahaa.
lakin
intaa kaliya kumaanu ekeysane xitaa markii danbe wuxuu usii gudbay
gabadhii Rasuulka ee “Faadima-rc” wuxuuna yiri: waxyaabaha Quraafaadka
ah waxaa kamid ah: in layiraahdo gabadha Nabiga ee Faadima kuma dhici
jirin Xeydka/Caadada, sidaa awgeed ayaana “Faadimatu Zahraa” loogu
magacaabay.
Hadaba
waxaa Bishaara ah in Bidcigaas xishoodka beelay, inuu Suntiisa Umadda
islaamka ka kaafiyey Caalimka weyn ee Reer Kuweyt ee “Sheekh Yuusuf Bin
Haashim Ar-rufaaci” xafidahullaah oo ka qoray kitaabkiisii Caan baxay
ee (Arradul Muxkam Al-maniic) oo uu si dhameys tiran ugu bakhtiiyey
Baadilkii Bidcigu ku andacooday, ka daalaco xitaa internet-ka adigoo ku
raadinaya Google-ka.
Hadaba waxaa si weydiin mudan Su’aalahan:
1-
Ummadaha kala duwan ee Caalamka waxay leeyihiin Maalmo u
Asteysan/Calaamadeysan oo Taariikhi ah ugana duwan Ayaamaha kale,
waxaana Maalmahaasi lagu qiimeeyaa dhacdooyinka waaweyn ee dhexdooda
dhaca, sidaa awgeed yaa wali arkay amse maqlay Ummad Baabi’neysa isla
markaana inkireysa Tariikhdoodii iyo Shaqsiyaadkoodii Magaca lahaa ee
Hogaaminayey Halganka, Xoriyadda, Turaath-ka/Dhaxalka ama Diinta ay ku
abtirsanayaan oo ay ku faanayaan?!.
3-
Haddii aanay Qadarinta Maalintii uu Rabbi-sw, Nabi Muxammad-scw
Nuurkiisa ifka usoo saaray Wahaabiyada waxba uga duwaneyn Maalmaha
kale, ee Caadiga ah, micnaheedu sow maaha hala lumiyo Maalinkaas yaan
la sheegin yaan laga hadlin yaan leys weydiin yaan leysugu iman, iwm?!.
4- Maxaa lagu macneyn karaa ama lagu sheegi karaa Maalmaha iyo Shaqsiyaadka sida: Boqorrada ay iyaga Wahaabiyada ah naftoodu sida weyn u qadariyaan, sida: Usbuucu Sh.Maxmad C/wahaab, Maalinta Boqor C/casiis, iwm.?!. mise waa “Lajiifiyaana Banaan”?!.
5-
Sidee leysu waafajin karaa Sheegashada Jaceylka Nabiga-scw, iyo in laga
Xumaado lagana Caroodo Sheeg-sheegida Magaciisa Xuskiisa iyo wax kasta
oo keeni kara Qadarintiisa?!.
6-
Intee ayay sii jiri kartaa in Diin loo ekeysiiyo Fikradaha ilaa Heerkan
oo kale Fashilan ee ka fog Shareecada islaamka iyo Caqliga Saliimka ah
intaba?!. Shubhooyinka Tacbaanka ah ee ay ku dhaganyihiise maxay ku
kordhin karaan?!!.
7-
Sow Baadil-nimadooda iyo Bidci-nimadooda nooguma filna Qaabka ka
muuqanaya Xilligan oo kale sida inay Xasaasiyad iyo Jirro ka qaadaan
Xuska loo sameynayo Ixtifaalka dhalashada Nabigeena Muxammad-scw, inay
Cadaawad Muuqata Sameeyaan oo ay Weeraraan Haddii ay Awood u leeyihiin
Goobaha lagu sameynayo Xuska Mowlidka Nabiga-scw, kuna laayaan Ciddii ay kula kulmaan oo Muslimiin ah iyagoon xitaa u kala saarin Culamo, Caamo, Waayeel, Caruur, Dumar, iyo iwm?!!.
8-
Hadaba maxay ku kala duwan yihiin iyaga iyo Gaalada Yahuudda ee Nabiga
Caaya Xiligan ku aadan dhalashadiisa, sidii aan ku xusnay Ciwaanka Sare
ee Maqaalkan?!!.
Dhamaan
Jawaabaha Su’aalahan waxaa si Toos ama si dadban looga heli karaa
Maqaalkan iyo kuwa lamidka ah ee lagu bayaaninayo Sharci ahaanshada bal
Sunna ahaanshada Xuska dhalashada Nabiga-scw .
WAHAABIYADA IYO YAHUUDDA KUWEE BAA DARAN AMA XUMAAN BADAN MARKA LA EEGO ARIMAHAN AAN KASOO HADALNAY
Waxaa daran aadna u xumaan badan Wahaabiyada, Sabaha soo socda awgood:
A)-
Yahuuddu Cadaawadooda wey Caddeysteen Diina ugumasoo gabanayaan, balse
Wahaabiyadu Cadaawadooda waxay ugu qarinayaan Dadka Muslimiinta ee
Caamada ah Magac diineed , sidaas Awgeed kuwan ayaa aad uga xun in
badana ka dhib badan Yahuudda iyo gaalada kale oo dhan.
B)-
Yahuuddu Dadka Muslimiinta ah ee sameynaya Ixtifaalka lagu weyneynayo
Mowlidka Rasuulka-scw ma weeraraan mana laayaan, balse Cadaawadoodu waa
mid muuqata kuna eg afka oo kaliya.
Halka
ay Wahaabiyadu ka sokow waxyaabaha ka muuqanaya Xilligan oo kale sida:
Af-xumida, Edeb-darrida, Xishood yarida, Indha-adeyga, Dhiirashada, Qar
iska tuurnimada, waxayba itaasoo dhan kasokow u arkaan inay ku Janno
tagayaan hadeyba fursad u helaan Baabi’inta iyo Xasuuqa Muslimiinta
isugu yimaada Ixtifaalka Dhalashada Nabiga-scw. Markaas kadibna sida lagu yaqaan iayagoo kor u qeylinaya ku dhawaaqa
(Allahu Akbar.. Allahu Akbar.. Allahu Akbar)!!!, taasoo ah Sunno soo
jireen u ah Alu baadilka Jiil kasta oo uu joogo, sida kuwii dilay
Khaliifkii Rasuulka Sayidinaa (Cali Bin Abii-daalib-rc) oo sidanoo kale
Takbiirta ula qeylinayey markay dileen.
C)-
Raabbi-sw wuxuu Qur’anka Kariimka noogu sheegay anay Yahuuddu doonayaan
inay damiyaan Nuurka Allah-sw oo ah Nabi Muaxammad-scw iyo
Risaaladiisa, eeg Aayadda 8aad ee Suuratu Saf: (يريدون ليطفئوا نور الله بأفواههم والله متم نوره ولو كره الكافرون) sidoo kale eeg Aayadda 32 ee Suuratu Towba: (يريدون أن يطفئوا نور الله بأفواههم ويأبي الله إلا أن يتم نوره ولو كره الكافرون )
(waxay doonayaan inay Nuurka Allah afafkooda ku damiyaan, Allahna wuu
diiday wax kale inuu dhameystiro Nuukiisa mooyee, kuwa gaalada ahiba ha
dhibsadaane), sidaas awgeed Maadaama ay Wahaabiyadu ugasii horeeyaan ugana fir-fircoocyhiin Yahuudda inay Af iyo Adinba ku Damiyaan Nuurka Allah-sw, sida aan soo xusnay, aad ayey uga xunyihiin uga liitaan Yahuudda.
SHUBHOOYINKA AMA WAXYAABAHA AY KU SHAKI GALIYAAN DADKA MARKA AY XAARAAM KU SHEEGAYAAN IXTIFAALKA XUSKA MOWLIDKA NABIGA-scw.
1- Waa Shey Bidco ah oo dib laga bilaabay kaasoo aan diinta aan kamid aheyn, Rasuulka iyo Asaxaabiisuna aanay ogeyn.
Fiiro gaar ah: Shubhadaan waa mida ugu weyn Shubhooyinkooda.
2- Nabiga ayaa Sadaqo loo bixinayaa, isagoo intii uu noolaaba aan Sadaqada qaadan jirin.
3- Dowladdii Faadimiyiinta oo Yahuud aheyd ayaa bilaabay Ixtifaalka Mowlidka Nabiga.
4-
Goobaha lagu qato Xafaladaha Mowlidka waxaa lagu sameeyaa waxyaabo
Munkaraad ah oo ay kamid yihiin: Khamro ayaa lagu cabaa, Ragga iyo
Haweenka ayaa isku dhex yaacsan, Shirkiyaad ayaa lagu sameeyaa.
5- Ma sugna Bisha uu dhashay Nabigu dhashay iyo Tariikhda ay ka aheyd midna.
6- Maxaa loogu yeelayaa Snad-guuro iyo Waqti Cayiman, maa mar kasta la xuso.
JAWAABAHA SHUBHOOYINKA
Shubhooyinka ay Daliilsadaan oo idil marka leyskusoo xooriyo/uririyo waa intan sida
aad arkeysidna waa kuwo aad u Tacbaan ah Tabar daran isla markaana ka
liita guri Caara-caaro, Jawaabaha Shubhooyinka iyo dhamaan Addilada
Sharciga ah ee caddeynaya Sharci ahaanshada bal sunna ahaanshada
Ixtifaalka Mowlidka Nabiga-scw, waxan ka qoray Kitaab yar oo aan kusoo
ururiyey dhamaan Addilada Quraanka, Xadiithka, iyo Aqwaasha Culamada
islaamka ee Muafasiriinta, Muxadisiinta, Xufaadda, Fuqahada,
Mua’rrikhiinta Ahlu siyar-ka, Anigoo kasoo xigtay Kutubta iyo
Maraajicda waaweyn ee islaamka, isla markaana soo Raqameeyey/Nambariyey
Bogaga ay uga sugayihiin Kutubtaas ,
Hadaba Hoos ka eeg Kitaabkaas oo ah Risaalo ku qoran Luqadda Carabiga waxaan u bixiyey magacan: (تحفة المحبين في مشروعية إحتفال مولد سيد المرسلين صلي الله عليه وسلّم))
Lakin haddii aan mid kasta si kooban uga jwaabno:
1-
Tan ah Nabiga iyo Asaxaabtiisu ma ogeyn: Marka horaba waxaan jirin Cid
Shardi ama Khasab ka digtay in Shey kasta oo Diini ah ama wax kasta oo
diinta ku jira ay Goobjoog u haadaan Nabiga iyo Asaxaabtiisu , Sababtoo
ah: Nabigu-scw isagaaba Ruqso ama Fasax buuxa looga heystaa in dibkiis
la bilaabi karo wax kasta oo Kheyr ah, sidaasoo kale ayaana ku sugan
qaar badan oo kamid ah Aayadaha Qur’anka kariimka, sidaa awgeed wixii
dib laga bilaabo oo dhami Bidco Baadil ah ma wada aha, oo Waxyaabaha
dib laga bilaabay waxaa loo kala qeybiyey Kuwo Baadil ah, iyo Kuwo
Kheyr leh oo Wanaagsan, Lakin haddii Sida Wahaabiyiintu ku fasirayaan
oo ah in wixii danbe oo dhan laga dhigo wax wada xun oo Baadil ah waxaa
meesha ka baxaya oo tagaya Wax badan oo Laf dhabar u ah Diinta
islaamka, xitaa iyaga naftoodu ka bad-baadi mayaan inay ku dhacaan
dabinka ay qoolayaan iyo Tacriifta qaldan ee ay ka bixinayaan Macnaha
uu leeyahay Erayga “Bidcah”.
Shubhadan
oo ah Mid ay si weyn uga tijaareystaan, waa Mid dadka Caamada ah si
weyn uga gadmi karta, lakin waa Hadal jahli ku dhisan oo uu si fudud ku
garan karo Qof kasta oo wax ka aqriya ama ka yaqaan Tacriifta “Bicdcah”
iyo Qawaacidda Usuuliga ah ee Diinta.
Mar
haddii sida aan soo sheegnay Ruqso iyo Fasax buuxa looga heyso
Allah-sw, iyo Rasuulkiisa Muxammad-scw, in la Curin karo la bilaabi
karo wax kasta oo Kheyr ah Xilli kasta iyo Meel kasta, waxaad ogaataa
Cid kale oo Caalamiinta kamid ah oo is hortaagi karta, Fasax looga
rabo, laga dhageysanayo ama Sharci darro ku sheegi kartaa majiro, Cidii
ku sheegtana waxay noqoneysaa Cid u bareertay kahor imaanshada Allah-sw
iyo Rasuulkiisa-scw, sidaas ayeyna ugu sifoobayaan inay noqdaan Koox
Bidco ah Faajiriin ah kana leexday Jidkii Mu’miniinta.
ACMAASHA XUSKA MOWLIDKA RASUULKA-scw, WAX BIDCO IYO XAARAAM AHI KUMA JIRAAN.
Acmaasha la sameeyo Xafaladda Mowlidka dhexdeeda waxay ka kooban tahay Afar shey oo kala ah:
A)- Siirada Nabiga iyo Tariikh nololeedkiisii oo laga hadlo.
B)- Nabiga-scw in la Ammaano.
C)- Nabiga-scw in lagu Saliyo.
D)- Sadaqo in la bixiyo.
Hadaba
afartaan Shey mid-keebaa Bidco ah oo diinta dib looga soo daray, Mise
in afrtooda iin sku meel lagu kulmiyo ayaa Bicdo iyo Xaaraam ah?!!.
Afartaan
Arrimood Iskaba daa in ay Bidco iyo Xaaraam noqdaane, haddii leysku
dayo in Sharci ahaantooda mid mid looga hadlo, lama helayo meel qaada
waxa kusoo arooray.
2-
Tan ah Sadaqo ayaa Nabiga loo bixinayaa: Cid ku hadashay ama tiri haba
yaraatee Nabiga-scw ayaa Sadaqo loo bixinayaa ma jirto, bil kulliyah
waa Hadal Hindisaad iyo iftaro ah , oo Sal iyo Raad toona laheyn, waa
halka ay Carabtu tiraahdo (يصطاد في الماء العكر) “Biyo Calaw ah dhexdooda ayuu ka kalluumey sanayaa”, Micna ahaan waxaa loola jeedaa wax aan sinaba Suura gal u aheyn.
3-
Tan ah Yahuuddii Faadimiyiinta ayaa bilaabay: Waxaa yaab leh sida loo
suuradeyn karo in Yahuudi Nabi Muxammad-scw, Dhalashadiisa Qadarin iyo
Ixtifaal ugu sameysay, waase ayo Cidda laga dhaadhicin karo
Hadayaanka/Mataataca, nuucan oo kale ah?!.
Maxay
Yahuudi Nabi Muxammad ku faleysaa?, miyaanay ahayn kuwii ku caan baxay
Magaca (Qatalatul Anbiyaa) “kuwii Anbiyada leyn jiray” sida Qur’anku ku
tilmaamay.
Hadalkan
waxaa ku sugan inkiraad cad iyo in si bareer ah looga hor yimaado
Qur’aanka Kariimka, Bal eeg aayadaha: 61aad, 89aad, 91aad, 120aad,
146aad, ee Suuratul Baqara, 181aad-Suuratul Cimraan, 82aad-Suuratul
Maaida, Aayadahan iyo kuwo kale oo aan Halkan
lagu soo koobi karin waxay Caddeynayaan in Yahuuddu waligoodba Anbiyada
ilaahey dili jireen Cadaawad xun kula dhaqmi jireen Nabi-nimadooda iyo
Risaaladooda inkiri jireen, Nabi Muxammad-na uu ugu sii daranaa, ilaa
uu Rabbi-sw, ka yiraahdo isagoo la hadlaya Rasuulkiisa Muxammad-scw, (ولن ترضي عنك اليهود ولا النصاري حتي تتبع ملتهم) “Raali kaama noqonayaan Yahuud iyo Nasaaro ilaa aad karaacdid diintooda” .
Marka
sow leysma weydiin karo, maadaama Ciddii Raali laga yahay la qadariyo
oo Ixtifaal iyo Weyneyn loo sameeyo, ma Nabiga-scw, ayaa raacay Yahuud
iyo Nasaaro diintoodii Markaas ayey Raali kanoqdeen oo dabadeena
Ixtifaal iyo damaashaad ku maamuuseen dhalashadiisa?!!.
Bal
Cid kale iska daaye Qof aan Hinkaada aqoon xitaa Caqligiisa sidan oo
kale looguma ciyaari karo, lakin waxaa meesha ka cad in Caqli xumo
meeshii u danbeysay ee yoolkeeda aheyd ka muuqato Kuwa is leh waxan oo
kale Naf ka raadiya si aad baadilkiina ugu kabtaan.
Teebaa sifo yahudeed u eg ma in la weyneeyo loona ixtifaalo Mowlidka Nabiga-scw, mise in la necbeysto in xitaa laba qofood isugu timaado, ciddii lagu arko ama laga maqlana loo caroodo la caayo amaba la dilo?!!.
Yahuudda
waxa lagu yaqaano oo ay Caanka ku yihiin Taariikh iyo dhaqana ay u
leeyihiin waa waxa aan kaga soo hadalnay Maqaalkan ee ah: Cadaawad soo
jireen ah oo ay abidkood u hayeen Anbiyada oo dhan iyagoo ugu sii
necbaa Nabigeena-scw, taasna sida muuqata waxa wakiilka uga ah bal uga
sii horeeya waa Wahaabiyo oo qaadan la’ wax kasta oo Nabiga-scw
Sharafkiisa Qadarkiisa iyo Maqaamkiisa lagu weyneynayo.
4-
Tan ah Munkar iyo Shirki ayaa ku jira: iyaduna waa Been abuur Cid kale
marka leyska daayo, Haddii aan ka waramo inta aan Anigu ka ogahay
Goobaha lagu Sameeyo Ixtifaalka Mowlidka Rasuulka-scw, waxan kusoo
barbaaray Meelaha ugu Caansanaa ee lagu Sameyn jiray
Somalia dhexdeeda Sida Caasimadda Muqdisho, waxaana xitaa Muqdisho ku
yaala ilaa haatan Halka loo yaqaano “Maxfalka Qaranka Somaliya ee
Molwiidka Rasuulka-scw”.
5- Tan ay ku andacoodeen ee ah in aanay sugnayn Tariikhda uu dhashay Nabiga-scw, waa
Xujo Laciif ah, maxaa yeelay Tariikhda Cida taqaan oo laga dhageysanayo
waa Culamada Taariikhda iyo Siirada oo iyagu Ahal u ah inay ka hadlaan,
ee maaha Cid usoo Tafa-xeydatay inay baabi’iso isku dayna ugu jirta
inay afkeeda ku tirtirto, sidaa awgeed waxay Culamada Siirada iyo
Taariikhdu xaqiijiyeen in Waqtiga ugu Raajaxsan ee la sugay inuu Nabigu
dhashay ay tahay: (12-kii Rabiicul Awal Sanadkii Maroodiga, oo ku
beegnaa 22kii April 571 Miilaadiya, Habeen Isniin ah wax yar kahor
Waqtiga Waabariga), wixii kale ee Aqwaal daciif ee sidaa khilaafsana
waa laga tagay, sida caadiga ahna wax kasta Raajaxa ayaa looga dhaqmaa
wixii kasoo harana waa laga tagaa.
Hadaba
sow lama oran karo tani waxay lamid tahay “Nabi Baabah” marba haddii
Wahaabiyo xaalkoodu uu marayo wax kaloo dhan intay soo dhaafeen inay
inkiraad iyo Shaki galin kala soo hor yimaadaan xitaa Waqtigii uu
Nabigu dhashay.
Waxan leenahay sidii la oran jiray “kaalayoo adinku ka leefa Kutubta”.
6- Mida ah Maxaa loogu yeelayaa Xuska Mowlidka Snad-guuro iyo Waqti Cayiman.
Tan
waxaa looga jawaabayaa ma jiraan wax aan laheyn Waqti cayiman, Nabiguna
ma aanu dhalan waqti kasta ee wuxuu dhashay Waqti gooni ah oo cayiman,
sidaa awgeed waxaa la xusayaa Waqtigii uu dhashay oo ah Sanad-guuro
kasta marka la joogo dhalashadiisa Xilliga ku beegan, waxaana loo
yaqaanaa Luqadda Carabiga “Mowsim” sidaana waxaa qiray Culamada waaweyn
ee islaamka.
Xaafidka
“Ibnu Rajab Al-xanbali’ wuxuu qoray kitaab la yiraahdo “Ladaaiful
Macaarif fiimaa Limawaasimil Caami Minal Wafaaidf) oo la macna ah:
“Macrifooyinka xeesha dheer ee ku dhex jira Hawlaha Sanad-guurooyinka”
sida ka muuqata magaca kitaabka kaliya waxaa laga qaadan karaa sida ay
Qadarin u leedahay Sanad-guurada Hawl kasta oo Sanawi ah , taas ayaana
noogu filan Daliil cadeynaya Baadil-nimada Jahliga wahaabiyada, lakin
itaas maba ku ekeysane wuxuu imaamku ku sheegay kitaabkaas in 12-ka
Bisha Rabiicul awal ay ku beegan tahay Dhalashadii Nabiga-scw ayna
tahay “Mowsim” ama Sanad-guuro weyn oo diini ah.
Xaafidka
“Ibnu Xajar Al-casqalaani” isaguna wuxuu yiri: waxaa daliil u ah
Ixtifaalka Sanad walba loo sameeyo Mowlidka Rasuulka-scw, Xadiith-ka
thaabid-ka ah ee ku sugan Saxiixeynka oo ah Maalintii uu Nabigu
Magaalada Madiina soo galay wuxuu arkay Yahuud oo sooman markaas ayuu
weydiiyey waxa ay u sooman yihiin waxayna ku jawaabeen waxaan u ku
shukrineynaa Allah oo Maalintan oo kale Nabi Muuse iyo Banuu Israaiil
bad-baadiyey, Fircown iyo Qomkiisiina Badda ku Maasheeyey, wuxuu yiri
Xaafidku Xadiith-kan waxaa laga qaadanayaa in Maalin Mucayan ah la
sameysan karo taas oo Sanad kasta soo noq-noqota, sida Maalin lagu
siiyey Nicmo ama lagaa difaacay Balaayo, eeg kitaabada: “Mawaahibu la
duniyah” iyo “Xusnul Maqsad”.
Mida
kale: qofka diidan in Sanadkiiba mar la xuso muxuu ugu af-gobaad
sanayaa inuu yiraahdo maa mar kasta la xuso, sow kan diidan in Sanad
ilaa ka Sanad la xuso?!!.
Waxay
kaloo Wahaabiyiintu ku doodaan in Salliga Nabigu dadka kaga filan yahay
Xuska Mowlidkiisa ee Sanad kasta, iyagoo taas ku hor istaagaya in la
oogo ama la sameeyo Ixtifaalo ku saabsan Xuska Mowlidka, lakin Salliga
Nabiga-scw iyo Xuska Mowlidkiisu waa laba shay oo kala duwan, mid
kastana goonidiisa Ajri iyo Thawaab looga helayo, iyaguse marka ay
Salliga Nabiga kusoo hal qabsanayaan Nabiga-scw, Maku Saliyaan?!!.
NB: Jawaabaha Shubhooyinkan oo intan ka faah-faahsan ka fiiri Risaalada Carabiga ah ee xaga danbe kaga lifaaqan Qoraalkan.
MAXFALKA QARANKA SOMALIYA EE MOWLIDKA RASUULKA-scw
Maxfalka
Qaranku wuxuu ahaa Goob Taariikhi ah oo uu ka asaasay “Shariif
Caydaruus” Allaha u naxariistee, Xaafadda Cabdul-casiis ee Magaalada
Muqdisho, Horaantii Qarnigii aan kasoo gudubnay ee 20aad ee miilaadiga, waxaana
xusid mudan inaan anigu soo gaaray oo aan indhaheyga ku arkay Xilli
hore oo ku beegnaa Bartamihii Sideetamaadkii Xilligii Dowladii Qaranka
ee Somalia, iyadoo ay Maxfalka Qaranka ka dhaceyso Habeenka 12-ka
Rabiicul Awal Sanad kasta Xafladda Mowlidka Rasuulka-scw oo si Heer
Qaran ah loosoo agaasimay, waxaana kasoo qeyb gali jiray: Madaxda
Dowladda Somalia, Mas’uuliyiin kala duwan, Dadka Wujuuhu-naaska loo
yaqaan ee Reer Baladka ah, Culamaaudiin Darajo weyn iyo Maqaam ku dhex
leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, oo ahaa Muftiyaal, Caalimiin,
Fuqaho, iyo Dadweynaha oo Meel kasta ilaa gobolada Dalka qaarkood isaga
iman jiray, waxaa intaas dheer oo kasoo qeyb gali jiray: Qaar kamid ah
martida Dalalka Shisheeye ee Safaaradaha ku lahaa Dalka iyo
Macalimiinta Bicthatul Azhar ee wax ka dhigi jiray iskuulada iyo
Jaamacadaha Muqdisho, Walow aanu Maxfalka MasaaXadiitha ama Baaxddiisu
aad u weynan badneyn hadana intaasoo Khalqi ilaahey ah waxay isugu iman
jireen gudaha iyo banaankiisa, iyadoo Habeenkaas aan la seexan jirin ee
lagu dhafri jiray Salawaadka Rasuulka-scw, ka dib Marka ay dhamaadaan
Qudbooyinka Mas’uuliyiinta, Culamaa-udiinka iyo Marti sharaka kasoo
qeyb galay, waxaa taas barbar socday iyadoo xafladdu habeenkaas aanay
halkaas kaliya ka dhaceyn ee ay Masaajidda waaweyn ee Magaalada
Muqdisho oo dhan ay ka dhici jirtay.
Intaas
oo dhan wali wax Khamro Cabaya iyo Rag iyo Haween isku dhex yaacsan wax
sheegay maqlay ama arkay majiraan, sida Wahaabiyo ku andacoonayaan.
Sidoo
kale Mowlidka Rasuulka waxan uga qeb galnay Xilliyo kala duwan Meelo
kale oo ah Gobolada Dalka Somalia iyo waliba Wadamo kamid ah Caalamka
islaamka, wax sheegaya Balaayada Wahaabiyadu la qeylinayaana waligay
maan arag.
Sidaas
awgeed Hadalkoodu wuxuu noqonayaa (Nin Daad qaaday Xunbo Cuskay)
Beentan oo kalena waxba u tari meyso inay Ceeb usii kordhiso mooyaane.
Fiiro gaara ah: Shariif Caydaruus sida uu uga Hadlay Ixtifaalka Mowlidka Rasuulka ka eeg kitaabkiisa: (بغية الآمال في تاريخ الصومال) wuxuuna xitaa soo hadal qaaday kuwa Ceebeeya ama Naqdiya Hadaladooda qaar kamid ah.
YAA DIIDAN MOWLIDKA RASUULKA-scw OO AAN WAHAABIYO AHEYN?!
Majirto
inta la ogyahay Cid kale oo kasoo horjeestay Mowlidka Rasuulka-scw,
marka laga reebo Dad yar oo fara ku tiris ah, oo aan Wahaabiyo aheyn,
kuwaasoo kalena waa kuwa la yiraahdo (Naadir Xugun maleh) waana Hadal
culus oo ku qotoma Qaaciddo Usuulul Fiqhi ah.
Haddii
aan eegno hadalkooda ah Ixtifaalka Mowlidka waxaa ku dhex jira
Shirkiyaad: maaha wax ku cusub dhagaha Ummadaha Muslimiinta ah oo ay
Wahaabiyiintu dhibaatada ku hayaan meel kasta oo ay joogaan.
Dadka
yaqaana waxna ka qora wey ogyihiin inay Tijaaradooda koowaad oo ay suuq
keensadeen kana ribxeen tahay Takfiirinta, lagasoo bilaabo barigii ay
kasoo ifbaxeen Jaziiradda Carabta ilaa waqtigan aan joogno waxay Meel
walba oo ay joogaan la taagan yihiin, Cumrigiina uga dhamaaday, inay
wax kasta oo aysan rabin ku tilmaamaan “Shirki, Kufri, Bidco, Xaraam,
iwm” sida la ogyahayna waxay ku shaqeeyaan Laba arimood oo kala ah: Tan
1aad: inay wax kasta oo iyaga hortood Diin ahaan iyo Caqiido ahaan loo
heystay, Dacaayad iyo Tashwiish ku furaan, si ay dadka u nacsiiyaan,
iyo Tan 2aad: in wax kasta oo ay iyagu dib kala yimaadeen
buun-buuniyaan xayeysiiyaan Diin Sax ah iyo Waxyi Samaawi ahna dadka
uga dhigaan, sidii inay iyagu yihiin Rasuulo Samada laga soo diray.
Takfiirinta
ama Gaaleysiinta Muslimiintuna caadiyan waa wax lagu yaqaan oo ay ku
faanaan, ilaa heer ay la jahraan inay la baxaan Magacyo layaab leh
sida: (Jamaacatul Hijra wa Takfiir)!!, Tanoo kalena waa waxa loo yaqaan
(الوقاحة) oo la Macno ah “Waji kalaxnimo” oo ah Qofka ma xishoodaha ah oo waxba aan ka dhowrsan waxna isku falin, Xadiithka Nabiga-scw ee Saxiixa ah waxaa ku sugnaa (إن من كلام النبوة الأولي إذا لم تستحي فاصنع ما شئت)
“Nabinimadii hore Hadaladeedii waxaa kamid ahaa hadaadan xishooneyn
waxaad doontid iska samee” Sababtoo ah: waxay gaaleysiinayaan waa Ummad
dhan oo Culamo iyo Caamo intaba leh oo Ab ilaa
ka Ab Islaam-nimada ku dhashay wax ku bartay ku dhaqmay, waliba Cilmi
Camal iyo Caqli midna aanay ku dhameyn Culamada “Ahlu-sunnah
Wal-jamaacah” ee iyaga hortood iyo haatanba ay Bulshada islaamku ku
xirnayd.
Dhamaan
Culamada islaamka ee Imaamyada, Mufasiriinta, Muxadisiinta, Xufaadda,
Fuqahada, Mua’rrikhiinta, Ahlu-siyarka, Usuuliyiinta iyo dhamaan
qeybaha kale ee sugay Sharci ahaanta Qabasha iyo Weyneynta Ixtifaalka
Mowlidka Rasuulka-scw Waxay kadoor bideen Wahaabiyiintu inay Dadka ku
cameeyaan Fikradaha Afar kamid ah Sheekhyadooda, sida: “Bin-baaz,
Cuthaymiin, Saalax fowzaan, Jumeyl Zeynu, iwm” oo Tacasub iyo
Wahaabiyo-nimo indhaha tirtay.
BAL EEG SIDA UU ALLAH-sw UGU IXTIFAALAY DHALASHA XABIIBKIISA MUXAMMAD-scw.
Habeenkii
Nabigu-scw dhashay waxaa Koonka oo isugu jira Calaamu sufli iyo
Caalaamu culuwi dhamaantiis ka dhacay Ixtifaal iyo Qadarin aan loo
sameyn, Cid Nabiga ka horeysay iyo Cid ka danbeysay toona, dibna aan
loogu sameyn doonin Cid kale.
Damaashaadka
Calaamka oo idil kan sare iyo kan hoose ka dhacay ma aha wax qarsoomi
kara, waxaana si weyn wax uga qoray Ahlul Cilmiga oo ay ugu horeeyaan
Culamada Siirada oo kusoo qaatay kutubtooda, kutubta Siirada oo idil
waad ka heli kartaa sida: “Siiratu ibnu Hishaam , Siiratul Xalabiyah,
Dalaailu Nubuwah, Al-bidaayah wa-nihaayah, Khasaa’isul kubraa,
Xujatullaah Calal Caalamiin” iyo kuwo kale oo badan, waxay Culamadu ku
tilmaamaan arrimahaas “Irhaasaad” oo micnaheedu yahay Mucjisooyin Gogol-xaar Horudhac ama soo dhaweyn ah oo lagu beegay dhalashada Nabiga-scw.
Imaamka weyn ee Nawawi isagoo ka hadlaya arrintaas wuxuu kitaabkiisa “Bustaanul caarifiin” ku yiri: (وقد جري من الآيـات في مولد رسول الله صلي الله عليه وسلم مالا ينكره منتم إلي الإسلام)
“waxaa dhalasahdii Rasuulka-scw dhexdeeda dhacay oo soconayey waxyaabo
lala yaabo, kuwaas oo aanu inkiri karin Qof islaam-nimada ku abtirsada”
Bal eeg sida ay u kala fogyihiin Hadalka Imaamka iyo waxa Wahaabiyo Umadda islaamka ku dalqa-shubeynayaan, Cajiib!!.
Hadaba maxaa dhacay Habeenkaas?.
Halkan kuma wada xusi karno wixii dhacay Habeenkaas, balse haddii aan qaar kasoo qaadano waxaa kamid ahaa:
1-
Habeenkaas waxaa Janooyinka iyo Samooyinka ka yimid Laba wafdi, kan
Janooyinka ka yimid waxay ahaayeen: Haween Mu’minaat ah oo ay kamid
ahyeen “Maryama Bintu Cimraan” Nabi Ciise-cs Hooyadiis iyo “Aasiya
Binti Muzaaxim” oo iyaduna aheyd Mu’minad Qisadeeda Qur’aanka lagu
xusay, labadooda iyo Haween kale oo la socdayba waxay u yimaadeen
Rasuulkeena Muxammad-scw Hooyadiis “Aamina Bintu Wahab” Xilligii ay
foolaneysay, Farxaddii ay ku faraxday awgeedna kalama aanay kulmin
Foosha wax xanuun iyo dhib ah haba yaraatee.
Wafdiga
kale wuxuu ahaa: Wafdi Malaaig ah oo ka yimid Samooyinka, Riwaayadaha
qaarna waxayba xusayaan in ay usoo dagayeen (fowjan-fowjan) oo ah
“koox-koox” qaar markii ay booqdaanba way sii baxayeen waxaana soo
dagayey qaar kale oo cusub.
2-
Habeenkaas waxaa damay ama bakhtiyey dababkii ay gaalada Majuusiyiintu
Caabudi jireen, waxaana la hurinayey dababkaas Muddo ka badan Saddex
Kun oo sano, iyadoo aanay sabab kale jirin cidina aanay aasin ama Biyo
ku shubin ayey kaligood iska bakhtiyeen.
3-
Habenkaas waxaa dildilaacay dhismayaalkii Labadii Boqortooyo ee Ruum
iyo Faaris ee Barigaas Dunida ugu Xooga badanaa, sidoo kale waxaa
dadanayey Carshiyadii iyo Sariirihii ay ku raaxeysan jireen, taas oo
tilmaam u aheyd Suulida gaba gabada iyo dhamaadka Boqortooyadooda.
4-
Habeenkaas Waxaa Rasuulka la socday oo lasoo baxay Nuur ama Iftiin Weyn
kaas oo laga arkay Daarhii ku yaalay dhulka Shaam oo aad uga fogaa
Meeshii uu Nabigu ku dhashay oo aheyd afaafka hore Magaalada Maka.
5-
Habeenkaas waxaa soo dhawaaday Xidigihii Cirka ilaa ay Dadka Madaxooda
yimaadaan iyagoo bixinaya Iftiimo qurux badan kala ceyn ceyn ah, Gabadha
la yiraahdo “Ummu haani Binti Abii Daalib” waxay tiri: xidiguhu aad
ayey suoo dhawaadeen ilaa aan is niraahno waxaba ku siganayaan inay
Madaxyadiina taabtaan.
6-
Habeenkaas waxaa la maqlayey waxyaabaha loo yaqaano (Hawaatifta) oo
isugu bishaareynaya inuu Caawa dhashay “Nabiyu Aakhiri Zamaan”
Hawaatiftaas oo ahaa wax aan Muuqaalkooda loo jeedin lakin Codkooda la
maqlayo, waxaa lagu sheegay ianay ahaayeen Jinka oo Habeenkaas isu
bishaareynay.
7-
Habeenkaas waxaa sidoo kale isugu bishaareynayey dhalashada Nabiga-scw,
Xawaanada kuwa Dab jooga ah iyo Kuwa Duur jooga ah intaba iyagoo ku
hadlaya Hadal Carabi ah oo Fasiix ah.
8-
Habeenkaas waxaa laga reebay Shayaadiinta inay soo dhageystaa
Samooyonka iyadoo lagu ganayey Shuclado Danbaaburo ah oo ah Dab kala
firdhaadaya sida waxa hadda loo yaqaano “Bula leyr-ka” ee
Damaashaadyada iyo Farxadaha laga rido.
9-
Habeenkaas waxaa la Ziineeyey/la qurxiyey Gabdhihii Xuruurul ciinta
ahaa ee janada, iyadoo dhamaan Albaabada Janada oo idil lawada furay,
Sharfid iyo Qadarin loo sameynayo dhalashada Nabi Muxammad-scw, awgeed.
10-
Habeenkaas waxaa guray ama qalalay ilo ay ka buran jireen biyo badan oo
ahaa dhul barwaaqo iyo doog badan, waxaana taa badlakeeda ay ilo biyo
ahi ka dilaaceen dhul oonley lama dagaana ah oo looga kala guuray biyo
iyo baad la’aan, meelahaas oo ahaa dhulkii barigaas loo aqoon jiray
faaris waxaa kamid ahaa magaalooyinka caanka ah ee dhulka iiraan ee
lagu magacaabo “Hamadaan iyo Qum” .
Hadaba waa kuma qofka sheegi kara hor iyo dib Ruux dhalashadiisa sidan oo kale loo qiimeeyey ama loo weyneeyey?!! ,
Caalamkii oo idilba wax haray ma jiraane, maxay Wahaabiyo rabtaa oo lagu qanciyaa?!!.
SIDEE LOOGA IXIFAALI JIRAY CAALAMKA ISLAAMKA
Xaafidka
“Cimaadu diin Ismaciil ibnu kathiir Ad-dimishqi” wuxuu kitaabkiisa
Taariikhda ah ee “Al-bidaayah Wa-nihaayah”13/136, kusoo qaatay sidii
loo qaban jiray Xuska Mowlidka Nabiga-scw.
wuxuuna sheegay inuu “Malikul Mudafar” oo uu aad ugu ammaanay
Cadaalad Alla ka cabsi, Cilmi, Camal, Caqli, Gesinimo, iwm , sameyn
jiray iyadoo leysaga iman jiray Jaziiradda Carabta oo dhan, halkaasna
lagu qaban jiray Ixtifaal weyn lagu bixiyo Dhaqaalo aad u fara badan,
oo lagu bixinayo Dajinta iyo Casumaada Martida, waxaana la keeni jiray
dhamaan noocyada Cuntooyinka iyo Cabitaanada kala gadisan.
Waxaa
kamid ahaa dadkii kasoo qeyb gali jiray Culamaaudiin waaweyn oo looga
danbeeyo Shreecada islaamka, waxaana kamid ahaa Xaafidka “Abul Khaddaab
ibnu daxiyah” oo ka qoray Mowlidka Nabiga-scw kitaabkiisa “At-tanwiir
fii Mowlidil Bashiiri Nadiir”.
QIRAALKA IYO SUGIDDA CULAMADA ISLAAMKA
Culamada
islaamka ee sidan oo kale qiray isla markaana soo guuriyey sida weyn ee
looga xafladeyn jiray Dunida Muslimka wey badan yihiin waxaana kamid ah:
A)-Xaafid Abuu Shaama, Sheekhii Imaamu Nawawi eeg Kitaabkiisa “Al-baacith fii Inkaaril badaci wal Xawaadith” Boga 23.
B)- Xaafid Ad-dahabi ka eeg kitaabkiisa “Siyar Aclaam An-nubalaa” 16/245-247.
C)- Xaafid Al-casqalaani eeg “Xusnul Maqsad fii Camal Al-mowlid” .
D)- Xaafid As-sakhaawi eeg isla marjicii hore “Mawaahibu laduniyah”1/140.
E)- Xaafdi As-suyuudi eeg kitaabkiisa “Xusnul Maqsad fii Camal Al-mowlid”.
F)- Xaafid Al-qasdalaani ka eeg kitaabkiisa “Mawahibu laduniyah”1/140.
G)- Xaafid Abuu Zurcah Al-ciraaqi eeg kitaabka “Ruuxu siyar”.
H)- Xaafid Shamsu-diin Al-jazari eeg kitaabkiisa “Carfu Tacriif Bil Mowlid As-shariif”.
I)- Xaafid Abul Khaddaab ibnu daxiyah eeg kitaabkiisa “At-tanwiir fii Mowlidil Bashiiri Nadiir”.
J)- Xaafid Shamsu-diin Bin Naasiru-diin Ad-dimishqi eeg kitaabkiisa “Mowridu As-saadii fii Mowlid Al-haadii”
K)- Xaafid Abul Cabaas ibnu Khalikaan eeg kitaabkiisa (Wafiyaatul Acyaan) 3/113-121.
Lama
soo koobi karo, lakin hadaan intan ku ekeysano, halkan waxan ka
qaadaneynaa inay Mua’kad tahay ama sugan tahay Sharci ahaanta Xuska loo
Sameynayo Dhalashada Nabiga-scw, maadaama ay qireen goob joogna ka
aaheeyn Caalimiintii diinta ee xanbaarsanaa Shareecada islaamka.
MAALINTA
MOWLIDKA NABIGA-scw, EE 12-KA RABIICUL AWAL WAA MAALIN FARXADEED OO
DHAMAAN CAALAMKA ISLAAMKA AY FASAX YIHIIN SHAQOOYINKA, JAAMACADAHA,
ISKUULADA, IYO DUGSIYADA QUR’AANKA.
Culamada
iyo Madaxda Caalamka islaamka waxay dhamaan isku raacsan yihiin in
Maalinta Nabigu dhashay ee loo yaqaano “Yowmul Mowlid” ay tahay Maalin
Qaran oo kamid Maalmaha dhaxal-galka ah ee u
asteysan Ummadda Muxamadiyada Meel kasta oo ay joogto, waxayna dadku ka
nastaan Shaqooyinka iyadoo la fasxo goobha wax barashada, si ay dadku
ugu firaaqeystaan ka qeyb galka Xafladaha lagu weyneynayo dhalashada
Nabiga-scw.
Xaafidka
weyn ee “Jalaaludiin C/raxmaan Bin abiibakar As-suyuudi” wxuu ku xusay
kitaabkiisa “Xusnul Maqsad Fii Camalil Mowlid” isagoo kasoo guurinaya
Culamo waaweyn oo Ajillo ah in Maalintan oo kale la fasxi jiray Goobaha
wax-barashada sida: Dugsiyada Qur’aanka, iyo Xalqooyinka Cilmiga.
Lakin
sida la ogyahay Maanta Meelaha Wahaabiyiintu ay joogaan waxay Maalintan
oo kale sameeyan kulamo ay kasoo jeediyaan Muxaadarooyin inkiraad ah oo
ay ka buuxdo Gaaleysiin, Af-xumo, iyo Caay, iyagoo ku tilmaama Xuska
Mowlidka wax Quraafaad Xaaraam, Bidco iyo Shirki ah, Halka ay taa
badalkeeda, si weyn u xusaan una qadariyaan iyagoo Xaflado waaweyn iyo
kulamo u sameeya Munaasabado aan wax Qiima ah laheyn, Sida: “Usbuucu
Sh. M.C/wahaab” Maalinta “Boqor C/casiis” iyo kuwo kale.
Waxaa
ayaan darrida Wahaabiyiinta kamid ah: inay kasoo hor-jeestaan in lagu
kulmo Xuska Mowlidka Rasuulka-scw, isla waqtigaana ay isla iyagii
isugu yimaadaan kuna kulmaan inkiraadiisa, marka maxaa faaiido u ah
hadaanayba ka bad-baadin inay kulmaan oo ah sida ay sheegeen waxay
nacayeen, sidaa awgeed waxaa la dhihi karaa Caamada ayey qaldayaan
mooyaane marka horaba ujeedadu maaha inay diidaan kulan iyo wax lamid
ah, balse waa Arrin ka Xeel dheer intaas, waxaana lagu fasiri karaa uun
laba arimood midood:
Tan 1aad: inuu Jahli hayo oo ay isaga darsan yihiin Ixtiraamka iyo Caabudida,
iyagoo sida la ogyahay ku Caan baxay Ixtiraam la’aanta oo aanay Xurmad
iyo Qadarin toona u yeelin Waalid, Macalin, Sheekh, Wali, Nabi. Iyo
Rasuul, midna, Ciddii u yeeshana ku sheega inay caabudeen.
Tan
2aad: oo ah inay u quuri la”yihiin in la sheeg-sheego Magacyada
Shakhsiyaadka Allah xurmeeyey, taasina waxay noqoneysaa Cadaawad iyo
Xaasidnimo Qota dheer oo Qalbiga ka dagtay, Xaasid-nimaduna waa
camalkii Ibliis bilaabay ee markii Allah ku yiri u sujuud Nabi Aadam-cs
u quuri waayey, kuna dooday inaanu u sujuudeyn oo isagu ka kheyr badan
yahay.
KUTUBTAN KA FAAIIDEYSO
Haddii
aad dooneysid inaad ka sal gaartid Addilada Mowlidka Rasuulka iyo
Raddinta Baadilka Bidcada Wahaabiyiinta ee inkira, aqri kutubta u gaar
ah mas’ladaas oo aad u fara badan waxaana kaagasoo xuli karaa kuwan:
1- (Xusnul Maqsad Fii Camalil Mowlid) - oo uu leeyahay Xaafidu Suyuudi
2-
( Al-la’aalii assaniyah fii Mashruuciyati Mowlidi khayril bariyah-scw)
– oo uu leeyahay Caalimka weyn ee soomaaliyeed ee Sh.Cusman Sh. Cumar
Sh. Daud “Sh.Cusman Xidig”.
3- (Xujjatul Muxtafiliin) – oo uu isagana sidoo kale leeyahay Caalimka weyn ee soomaaliyeed ee Sh. Axmad Sheelare.
4-Buluuqul Ma’muul fil ixtifaal bimowlidi Rasuul-scw – oo leeyahay Muftiga Reer imaaraad ee Sh. Ciisaa Bin Maanic al-ximyari.
5-
(Xuska Mowlidka Nabiga-scw) oo ah Risaalo ku qoran Afka soomaaliga kuna
kulansan yihiin dhamaan Addilada Mowlidka iyo Qawaacid badan oo
khuseysa Mas’alada Mowlidka, waxaana qoray, Xildhibaan-ka Reer
Somaliland ee Xildhibaan: Maxamad-yaasiin Sh. Cali Ayaanle.
6-
(Tuxfatul Muxibbiin fii Mashruuciyati Mowlidi Sayidil Mursaliin-scw) –
oo uu qoray Adoonka Maqaalkan idiin diyaariyey oo ah aniga, oo
magaceygu yahay: C/qaadir Sh. Maxamad Mataan – (Sh.Colow).
7-
(Xowlal ixtifaal bidikraa Mowlidi Nabawiyi Ash-shariif) oo uu leeyahay
Calimkii Reer Xarameyn (Asayid As-shariif Sh. Muxammad Calawi al
Maaliki) Allaha u naxariistee.
Waxaa kaloo jira Risaalooyin kale oo aad u faaiido badan halkana laguma soo koobi karo.
GABAGABO IYO TALOOYIN
Waxan kusoo gabagabey nayaa Maqaalkan Talooyinkan soo socda:
Wahaabiyada Waxaan kula talin lahaa:
A)- Maadaama Ixtifaalka Mowlidka Rasuulka Xaga Sharci ahaantiisa iyo xaga Qarashka ku baxaya oo lagu sameynayo midna aan iyaga looga baahneyn, sidoo
kalena inay xitaa kasoo qeyb galaan aan looga baahneyn, waxaa la
gudbooni waaa Hal shay oo qura, kaas oo ah in laga nabad galo Afkooda
iyo Adinkooda, waxaana muhiim ah inay ku qancaan
in mabda'ooda aanay Qasab iyo Dagaal ku hirgalin karin , kagadaal
markii ay xeeladihii iyo tabihii kale ee ay adeegsan jireen ka
dhamaadeen .
Haddii
halkaa shey ee Nabad galyada ah laga waayo waxay ila tahay in iyadana
kitaabadeeda leysla eegi doono, waxaana lagu qasban yahay oo waliba
Waajib noqoneysa Ciddii Nabad galyo laga waayo in leyska difaaco,
sababtoo ah khasab igusoo raac ma soconeyso.
B)-
Culamada “Ahlu sunnah Wal-jamaacah” waxan usoo jeedin lahaa: waxaa
idinka batay waxa loo yaqaano “Salaamatu sadri” oo ah daacad-nimadii Ab
ka Ab laga dhaxlay Culamadii hore ee xaalasha aheyd, sidaa awgeed
iyadoo aan laga tageyn Khasladaa wanaaga badan Hadana Maanta Xaaladdu
wey is badashay sida aad arkeysaan, Wahaabiyiintu waxa ay ku
dhaqmayaana waa: Khiyaano, Dhagar, Xeelad, Ciyaal-suuqnimo,
Daacad-darro iyo wasiila kasta oo ay is leeyihiin waad ku gaari kartaan
Hadafkiina, marka maadaama ay xaaladdu sidaa isu badashay waa in
wadciga jira lala socodaa Meel kasta oo la joogo, xaalad kastana sidii
ku munaasib ah oo aan Xad-gudub iyo Dulmi ku jirin lagu wajahaa ama
lagu qaabilaa.
C)-
Dadweynaha Soomaaliyeed waxan kula talin lahaa: inay Shareecada
islaamka ula laabtaan Culamada ahalka u ah oo Aqoonta iyo Macrifada
uleh si daacd ahna uga run sheegaya Diinta , waana inay iska ilaaliyaan
inay ku jaha wareeraan Mad-hab laawayaal waxay doonaan dusha uga
Maamooryeeya , Madaahibtii Xaqa aheyd ee islaamkana ku tilmaamay
Quraafaad , kadibna lasoo baxay mid ay jeebkooda kala yimaadeen oo meel
ay heysato aan la arkin.
D)-
Qeybaha kale ee kala duwan sida: Siyaasiyiinta, Aqoon yahanada,
Ganacstada, Cuqaasha Dhaqanka, waxan usoo jeedin lahaa: inay Xaqa
taageeraan Meel kasta iyo Waqti kasta oo ay joogaan kana fogaadaan
Khaainiinta ku qaraabta Magaca Diinta ee Kharibay Dalka Dadka iyo
Diinta, waxaana Hubaal ah inaan Maanta la dhihi karin lama kala yaqaano
Xaqa iyo Baadilka oo waa lagu wareersan yahay maxaa yeelay Maanta wax
kasta wey kala cad yihiin, Xiligana waa Xilligii la dhihi jiray (Kitaab
iyo Kolay iyo Xaq iyo Baadil Midna isuma eka).
NB:
Maqaalkan uguman tala gali inaan kaga hadlo Addilada Mowlidka, waxaanse
ugu tala galay Tusaalooyin kooban oo caddeynaya Baadil-nimada Dhaqanka
iyo Fikradda Wahaabiyada ee Cadaawadda iyo Takfiirku ka buuxo, Lakin Addilada
ku saabsan Mowduuca Mowlidka oo faaf-faahsan waxaad ka daalacan kartaa
Risaalada Carabiga ah ee xaga danbe kaga lifaaqan Maqaalkan.
Wabillaahi Tawfiiq
Wasalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
W/Q: Sh.C/qaadir Sh. Maxamad Mataan-(Colow).
shcolow@hotmail.com
Mobile: 0060-173817184
Kuala Lumpur-Malaysia.
----------------------------------