Bannaan baxyo waa weyn oo lagu
soo dhaweynayo Mawliidka Nabga (SCW)
ayaa maanta Maamulka Ahlu-sunna
Wal-jamaaca ee Goballada dhexe ka
dhigey Dhammaan Degaannada
hoostaga Maamulka Ahlu-sunna
26.02.2010, 03:01am (GMT)
Bannaan baxyo waa weyn oo lagu
soo dhaweynayo Mawliidka Nabga (SCW)
ayaa maanta Maamulka Ahlu-sunna
Wal-jamaaca ee Goballada dhexe ka
dhigey Dhammaan Degaannada
hoostaga Maamulka Ahlu-sunna Wal-jaamaca
Sidee ayaa maantay looga Baan
baxay Magaalada Gaalkacyo
ee Gobolka Mudug
16 02 2010
Shucuubta ku nool dhammaan
deegannada hoostaga Maamulka
Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa
maanta isugu soo baxay Magaalooyinka
kala duwan ee hoostaga Maamulka
Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Goballada dhexe.
Deegaannada Dhuusamareeb, Guriceel,
Caabudwaaq, Xeraale, Cadaado, Galkacyo,
Balanbal, Dhabbad, Gelinsoor
iyo dhamman Tuulooyinka kale ee
hoostaga Maamulka Culimada
Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa
waxaa ka dhacay isu-soo baxyo waa
weyn oo ay ka qayb-qaateen in ka
badan 100000 oo qof o isugu jira
Culima-aw-diin, Odayaal,
Aqoon-yahan, Indheer-garad, Ardey
iyo Haween kuwaas oo isugu soo
baxay Fagaare-yaasha Magaalooyinka
kala duwan ee Goballada dhexe oo dhan.
Wariye-yaasha Radio Mustaqiim
ayaa maanta goob-joog ka ahaa
inta badan goobaha ay ka dhacayeen
Isu-soo baxayda ka dhacayey
Magaaloyinka kala duwan ee Goballada dhexe.
Waxaa inoo suuro gashay in aan
wareysanno Culimada Maamulka
Ahlu-sunna Wal-jamaaca u qaabilsan
Qaban-qabada Mawliidka iyo
abaabulidda isu-soo baxyadaas
lagu abaabulayey soo dhaweynta
Mawliidka Nabiga (SCW).
Ugu horreynba waxaan wareysannay
Sh. Cismaan Xalaf oo ah madaxa u
qaabilsan Maamulka Culimada Ahlu-sunna
wal-jamaaca qaban-qaabada Mawliidka
(SCW) ee Magaalada Guriceel. Wuxuu
Shiikhu aad uga warramay isu-soo
bixii weynaa ee Maanta ay Shacab
Weynaha Guriceel ay isugu soo-baxeen
Fagaare-yaasha Magaalada Guriceel.
Wuxuu Shiikhu sheegey in ay isu-soo
baxaas uu ujeedkiisu ahaa in la soo
dhaweeyo lana weyneeyo Mawlidka
Nabiga (SCW) iyadoo ay ka qayb-qaateen
dhamman Ummadda ku nool Magaalada
Guriceel. Waxaa maanta la fasaxay
dhammaan Goobaha Wax-barashada
iyadoo Goobaha Ganacsigana ay wada xirnaayeen.
Waresiga Shiikh Cismaan Xalaf oo dhammaystiran halkaan ka dhegeyso.
Sidoo wale waxaan wareysannay
Shiikh Cali Xaashi Faarax oo
isna ah qaban-qabiyaha Mawliidka
Nabiga (SCW) u qaabilsan Magaalada
dhuusamareeb isagoo Shiikhu aad
uga warramay sidii uu maanta u
dhacay bannan-baxyadii Mawliidka Nabiga (SCW).
Wareysiga Shiikha oo arrimo
badan taabanaya halkaan ka dhegeyso isagoo dhammaystiran.
Sidoo kale waxaa maanta isna Radio
Mustaqiim u warramay Shiih Cali
Gurey oo ah qaban-qaabiyaha Mawliidka
Nabiga (SCW) ee magaalada Caabudwaaq,
wuxu Shiikhu si hufan uga warramay
sidii uu maanta u dhacay isu-soo
bixii ka dhacay Magaalada Caabudwaaq
ee lagu soo dhaweynayey Mawliidka Nabiga (SCW).
Wareysiga Shiikh Cali Gure oo dhammaystiran halkaan ka dhageyso.
Isu-soo baxyadaan ayaa waxay ka dheceen
sidoo kale Magalooyinka Galkacyo iyo
Cadaado, waxay kaloo ka dheceen
Magaalooyinka Gelinsoor, Dhabbad,
waxay kaloo ka dheceen Tuulooyinka
iyo dhammaan deegaannada hoostaga
Maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
Wixii wara ee ku soo kordha arrimaha
Mawliidka Nabiga kala soco
Webka iyo Raadiyaha Mustaqiim.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
Goballada Dhexe,
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
|