Weli
waxaan bartanka uga jirnaa tacliiqii ama taxliilkii aan ku samayneyney
wareysigii uu wadaadka ugu wayn wahaabiyada ee Cumar Faaruq uu siiyey
qaar ka mid ah saxaafadda gudaha. Waxaanna
halkan ku soo qaadanaynaa tacliiqa qaybtiisii saddexaad , oo aan ku
qaadaa dhigeyno su'aal la waydiiyey wadaadkan oo ahayd :
Culammaa'udiinku waa didaalaan , haddana waxaa ka hor yimaada dad dano siyaasadeed leh , oo magac islaamiya ku ganbanaya ; marka qof islaamkii sheeganaya haddana qaab qaldan ku dhaqmaya maxay shariicadu ka qabtaa?
Cumar Faaruq wuxuu su'aashan uga jawaabay sida tan:
Qofkaas
Ilaahay ha ka baqo , ha tawbad keeno , diinta ha ilaaliyo , danta
ummadda ha ilaaliyo , dawladdan jirtana ha maqlo , khilaafkana ha
layska ilaaliyo , nabadna wax ha lagu doono.
Jawaabtan
waxaa la yaabay dhammaan dadkii dhegaysanayey , waayo waxaa wadaadka la
weydiiyey mas'alo Axkaam ah , oo ah waxa diiintu ka qabto shabaabka iyo
Xisbiga Xasan Daahir waxa ay samaynayaan ee ah , dilalka muslimiinta ,
dad gawraca , dhagax ku dilidda jeebkooda ah , iyo xad gudubyada la
midka ah ee ay haddana ku sheegayaan ku dhaqanka shariicada Islaamka.
Waxaa
la is weydiiyey suura gal ma tahay in arrimahan riddada ah , diin ka
baxa ah , naxariis darrada ah , Muslim ceebayska ah , Qullaadnimada
khawaarijnimada ah ; ee ay samaynayan shabaabka iyo camiiliintooda , ma
looga jawaabi karaa sida uu Cumar faaruq uga jawaabay ee ah :
"
Qofkaas Ilaahay ha ka baqo , ha tawbad keeno , diinta ha ilaaliyo ,
danta ummadda ha ilaaliyo , dawladdan jirtan ha maqlo , khilaafkana ha
layska ilaaliyo , nabadna wax ha lagu doono ".
Tan
labaad sow wadaaadka wahaabiayada ee cumar Faaruq ma oga in Shabaabku
gaalnima iyo Murtadnima u yaqaaniin hadalkan uu sheegay ee ah " Dawladdan
jirtan ha la maqlo " iyo hadalkiisii aan ku soo sheegnay qaybihii hore
ee uu yiri ha la adeeco Dawladda uu shariifku ka dhaxlay dhiggiisii
C/llaahi Yuusuf .
Su'aasha
kale ee la is weydiinayo ayaa ah : Maxay shabaabku u shaaci waayeen in
sheekhoodii Cumar Faaruq uu riddoobay , uuna ka baxay diinta Islaamka ;
sidii ay horey ugu riddaysiiyeen dadkii ku hadlay hadallada la mid ah
kuwa uu cumar faaruq ku hadlay ? mise wuxu waa gacantaa ku garoorsi!!
Innaa
Lillaah!! Gaalaysiintii shabaabku ma waxay noqotay : "Gurbaan ama
gacantaada ha kuugu jiro ama gacalkaa ha kuu haayo !!? mar haddii
Gaalaysiintu ay ku jirto gacanta shabaabka , Cumar Faaruq waa gacal oo
waa looga fuutiyey!!.
Iftihii cumar faruq uu ku dhihi jirey ha lagu Jihaado wixii khilaafa xarakaadka Islaamiga!! Ma
laga dhaafay shabaabka oo iyagana wuu u fuutiyey?, oo sidaas ayey
wahaabiaydu isaga fuutiyeen gaalaysiintii iyo ku jihaadistii ay ku
xukumi jireen soomaalida aan wahaabiayda ahayn.
Subxaanallaaah!!! soomaali Allaa u maqan ;
Waxaana
xaqiiqa ah in nasiib darro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed , mar
haddii diintoodii ay u aamineen , wadaaddada wahaabiyada oo ah kooxo
caqiiddadoodu ku dhisantahay rabitaankooda iyo marba sida ay ka dhex
arkaan danahooda gaarka ah.
info@ahlusunna.org
ahlusunna.org